Bosaaso (KAAB ) Wararka aan ka helayno magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta oo arbaca ah ciidan gadoodsan ay isugu soo baxaan waddooyinka magaalada Bosaaso.
Ciidankan ayaa la sheegayaa in ay ka cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday bilooyin badan oo aysan helin wax xuquuq ah.
Isu socodka dadka & gadiidka ayaa maanta hakad uu ku yimid magaalada Bosaaso taas oo sabab u ah ciidanka xirtay waddooyinka magaalada kuwaas oo mararka qaar rasaas ridayay.
Waxa ay ahaayeen ciidankan kuwa lagu soo tababaray dalka Eratria oo qayb ka ahaa ciidamo fara badan oo dalkaas ku soo qaatay tababaro kala duwan .
Askar ka tirsan ciidankan ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaal ay kaga cabanayaan mushaar la’aanta waxaase markii danbe la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Saraakiil hoggaaminaysa ciidanka gadoodsan ayaa noo sheegay in mas’uuliyiintii shalay la kulmay been u sheegeen kadib markii ay ku wargeliyeen in mushaarkii soo dhacayo Arbacada maanta ah.