Boosaaso (KAAB) Ciidanka amniga Bosaaso ee gobolka Bari ayaa maalmihii la soo dhaafay xaafadaha magaaladaas waxa ay ka wadaan howlgal ay ku doonayeen in ay ku sugaan amniga.
Inta uu howgalka socday waxa la sheegay in lagu soo qab qabtay tiro badan oo dad loo tuhmayo falal amni darro oo ka dhacay magaalada Bosaaso kuwaas oo saraakiishu ay sheegeen in ay yihiin qaswadayaal.
Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay xalay Boosaaso ka fuliyeen hawlgal lagu xoojinayo Amniga guud ee magaalada.
Taliska Booliska ayaa sheegay in hawlgalka lagu qab-qabtay shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay qayb ka yihiin falal amni-darro oo ka dhacay Boosaaso.
Shakhsiyaadka lagu qabtay hawlgalka ayay baaritaan ku hayaan saraakiisha waaxda qaabilsan danbi-baarista ee C.I.D sida lagu sheegay qoraalka Booliska.
Hawlgalka ayaa bilowday saacado kadib markii guddiga Amniga Gobolka Bari uu shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda Boosaaso oo muddooyinkii danbe laga soo sheegayay falal amni-darro ah.