SO | EN

SO | EN

Boosaaso oo lagu qabtay ajaaniib loogu shakiyay in ay ka tirsanyihiin kooxda Daacish

|

Boosaaso (KAAB TV) – Ciidamada Amniga Puntland ayaa maanta oo Sabti ah gacanta ku dhigay saddex qof oo ajaanib ah iyo mid Soomaali ah oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Sidoo kale, saddexdan qof ee ajaaniibta ah iyo midka Soomaaliga ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka amaanka Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

Dhanka kale, taliska La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in baaritaan lagu wado shakhsiyaadka ciidamadu ku qabteen Boosaaso oo saddex kamid ah ajaanib yihiin halka kan afraad uu Soomaali yahay sida ku xusay qoraaalka Ciidamada Amniga Puntland.

“Boosaaso: Laamaha Amniga ayaa qabtay 4 qof oo 3-Ajaanib tahay, kuwaas oo baaritaan lagu hayo, waxaa lala xiriiriyey Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland.

Sikastaba, Ciidamada Booliska oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee PISA ayaa sidoo kale weli hawlgallo amni ka wada magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo ay ugu horrayso magaalada Boosaaso.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News