SO | EN

SO | EN

Boosaaso: Qarax lala beegsaday booyad ciidanka PMPF

|

BOOSAASO (KAAB TV) – Qarax loo maleynayo inuu yahay miino waddada dhankeeda la dhigay ayaa lala beegsaday booyad biyo oo ay leeyihiin ciidanka badda ee Puntland ee loo yaqaano PMPF.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in booyada oo mareysay waddada laamiga meel u dhexeysa deegaanka Fun City iyo Al-Macruuf ee duleedka Boosaaso in ay la qaraxday miinada taasoo biiyada burburisay.

Labo askari oo booyada saarnaa ayaa la sheegayaa inay ka badbaadeen weerarka qaraxa.

Ciidanka PMPF oo loogu talagalay la dagaalanka burcad badeeda ayaa waxaa tababaray, taageerana siiya dowladda Imaaraadka Carabta.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay qarax miino oo lagu aasay goob maqaayad ah ay ku dhinteen ugu yaraan 3 ruux.

Goobta maqaayadda ayaa waxaa fariisan jiray xubno ka tirsan ciidamada Puntland oo halkaasi khaadka (qaadka) ku cuni jiray.

Ma jirto cid sheegatay weeraradan qaraxyada ah, walow kooxaha Al-Shabaanb iyo Daacid ay marhore sheegan jireen qaraxyada noocan oo kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News