SO | EN

SO | EN

Boqollaal dadweynaha Muqdisho oo toddobaad kasta u xukun doonta maxkamadda Al-Shabaab

|

AFGOOYE (Kaab TV) – Meel qiyaastii 25km u jirta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxay maleeshiyaadka Al-Shabaab toddobaad kasta ku hubiyaan kana siidaayaan boqollaal ruux oo caddaalad doon ah kuwaas oo u socda maxkamadda Al-Shabaab.

Wareysiyo Kaab TV la yeeshay qaar ka mid ah dadka u xukunka doontay maxkamadda kooxda Al-Shabaab, oo naga codsaday inaan magacyadooda la sheegin, ayaa waxaan ku ogaannay in tiro u dhexeysa 160 illaa 200 ruux ay bil kasta tagaan maxkamaddan oo ku taalla jiinka Wabiga Shabeelle oo u dhexeysa tuulada Basra iyo Beerta Cali Mahdi.

Mid ka mid dadka u caddaalad doontay maxkamadda Al-Shabaab oo deggan Muqdisho, oo aan ku soo koobnay magaciisa ‘macmiilka lambar 256’ ayaa Kaab TV u sheegay in kiisaska ay dadka u tagaan maxkamadda Al-Shabaab ay isugu jiraan arrimo qoys sida furriin, muranka la xiriira nafaqada carruurta oo ragga ay bixin waayaan, murannada dhulalka iyo lahaanshaha guryaha, deymaha la bixin waayo iyo dhaxalka.

Macmiilka Lambar 256 waxaan magacaas u siinnay waayo wuxuu ahaa macmiilkii lambarka 256 ee maxkamadda Al-Shabaab tagay dhowr toddobaad ka hor.

“Waxaan aniga u aaday arrimo ku saabsan muran dhul la isku haysto. Waxaan ballanta sugaynay illaa saddex toddobaad, ka dibna waa nala soo wacay, sidaas ayaanna ku tagay maxkamadda,” ayuu yiri Macmiilka Lambarka 256.

Waa goob jiq ah oo dhir waaweyn bartankeeda ku taalla, oo ay hareeraha ka xigaan beeraha aseendooyinka. Waxa goobtaas loo doortay si ay Al-Shabaab uga dhuuntaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ee drones-ka ee hawada dul heehaabaya.

Hoteello qiimo jaban oo ka sameysan cooshado, maqaayado laga cabo shaaha iyo cuntada iyo xitaa taksiyo ayaa ka shaqeeya goobta kuwaas oo macaamiisha maxkamaddan u yimaada ay ka iibsadaan adeegga cuntada, jiifka iyo taksiga inta ay joogaan.

Al-Shabaab waxay kaloo isku fidinayaan duleedyada Afgooye iyo xitaa hareeraha Muqdisho, oo ay si xawli ah hadda uga hawlgalaan, iyagoo ganacsiyada ka qaada lacago ay ku sheegeen zakawaat.

Tuulooyinka duleedka Afgooye oo dhan waxaa hadda ka taliya kooxda Al-Shabaab.
Tuulooyinka duleedka Afgooye oo dhan waxaa hadda ka taliya kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay adeegsataa handadaad iyo rabshad

Xaliimo (ma ahan magaceeda runta ah), waxay Kaab TV u sheegtay inay ka safartay Muqdisho si ay uga dacwooto nin ay kala tageen ka dibna ka qaatay ilmo yar oo ay wada dhaleen. Waxay u dacwootay maxkamadda Al-Shabaab ka dib markii sida ay sheegtay ay wax u qaban weysay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

“Aniga marar badan ayaan u dacwooday maxkamadda degmada aan ku noolahay, ka dibna waxaan tagay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Waxba waa ii qaban weysay. Ninka aan kala tagnay wuu i dhibaateeyay,” ayey tiri Xaliimo.

Maxkamadaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho iyo xitaa booliska ayaa ah kuwo musuqu uu daashaday, oo ay adag tahay in qof miskiin ah uu ka helo caddaalad. Dadka kasoo jeeda qabaa’ilada aan hubeysneyd ayaa sidoo kale aan heli karin caddaalad.

Xaliimo waxay sheegtay in deriskeeda ay ka ogaatay in maxkamadda Al-Shabaab ay dib u hawl bilawday, dadka reer Muqdisho qaar badan oo ka mid ah ay halkaasi aadaan.

“Gabar aan deris nahay ayaa i dhahday haddaa u tagtid maxkamadda Al-Shabaab waxbay ku qabaneysaa, waayo waa laga baqaa,” ayey raacisay Xaliimo.

Xaliimo hadda waxay sheegeysaa in kiiskeeda uu ku dhammaaday sidii ay rabtay, ilmeheediina loo soo celiyay.

Al-Shabaab, oo ah koox argagixiso ah, ayaa adeegsata handadaad iyo rabshad, iyada oo dad badan ay sheegeen inay heleen wicitaanno telefoon uga yimaada maxkamadda Al-Shabaab.

Way adag tahay in qof uu ka horyimaado amarrada adag ee ay Al-Shabaab dul dhigto, xitaa haddii aysan ku qabansaneyn. Ma jirto racfaan iyo qareenno ka dooda xukunnada Al-Shabaab maxkamadeeda ay gaarto.

Inkastoo sanadihii 2022 iyo 2024 ay joogsadeen dadka u xukun doonta maxkamadda Al-Shabaab ka dib markii Al-Shabaab ay xireen maxkamadda hawlgalladii militari ee ka dhanka ahaa kooxda ee ay dowladda federaalka Soomaaliya qaaday darteed, haddana waxaa muuqata in Al-Shabaab ay hawlgaliyeen maxkamadooda iyada tirada dadka Muqdisho ee u xukun doontana ay kordhayaan.

Afgooye waxaa ku sugan ciidan ka tirsan kuwa dowladda.
Afgooye waxaa ku sugan ciidan ka tirsan kuwa dowladda.

Kororka tirada waxaa laga fahmi karaa tirada macaamiisha halkaasi aaday.

Waxaa iyana jirta in kororka dacwadaha ay sababeen murannada dhulalka oo batay, iyo kiisas la xiriira dadkii laga barakiciyay guryo iyo dhulal ay qaarkood dowladdu lahayd, iyo qaar gaar loo leeyahay, oo ay dowladda Soomaaliya si qasab ah dadkii degannaa uga kicisay.

Waxaa jirtay in odayaal ka mid ah beelaha Muqdisho ay sidoo kale arrimo la xiriira cabashada barakicinta dadka kala hadleen Al-Shabaab, warar warbaahinta ay hesheyna ay sheegayaan in Al-Shabaab ay dadka u ballanqaadeen inay dhulalka u soo celin doonaan.

Qaar ka mid ah ganacsatada iibsatay dhulalka danyarta laga barakiciyay ayaa la sheegayaa inay Al-Shabaab soo weceen oo ay uga digeen dhismaha dhulalkaasi.

Degmada Afgooye oo hoostagta Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan ciidan isugu jira booliska iyo kuwa nabadsugida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiriiro aan la sameynay maamulka Afgooye iyo booliska kama aysan jawaabin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya kama helin jawaab ku aaddan maxkamadda Al-Shabaab ee duleedka Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News