Boosaaso (KAAB TV) – Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari Ciidanka ammaanka ayaa magaaladaas ka wada Boosaaso ka wada howlgal ay sheegeen inuu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo.
Waxaa Hawlgalka laga fuliyay bartamaha magaalada iyo xaafadaha qaarkood iyadoo lagu raafay inta badan dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ee magaaladaas ku sugnaa
Oromada laga raafay Boosaaso oo la sheegay in la iskugu geeyey goobo gaar ah qaarkood ayaana ka baxsaday gacanta laamaha Amniga iyagoo magaalada dib ugu laabtay
Dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada oo tahriib ahaan ku soo gala Puntland ayaa muddooyinkii danbe aad ugu sii badanayay gudaha Boosaaso.
Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu qabqabtay shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu tuhmayo falalka ka dhacay Boosaaso oo ay ku soo bateen dilal iyo qaraxyo ay geysanayaan kooxo hubeysan.
Saraakiisha amniga magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada is bar bar socda ee ay ku sugayaan amniga magaalada Bosaaso isla markaana lagu raafayo dadka Oromada ah.
Maamulka Puntland ayaa talaabadan waxa uu ku tilmaamay inay tahay mid ay ku doonayaan in ay kula dagaalamayaan shaqsiyaadka Tahriibiya dadka Oromada ah iyo kuwo kale ee Soomaalida ah.