SO | EN

SO | EN

BULBUL oo 11 maalmood ku xiran qol eedeyn looma hayo

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa maalintii 11aad ku jira xabsi sharci darro ah.

Maxamed Bulbul ayaa la xiray 17kii Agoosto, waxaana lagu hayay goobo kala duwan oo kala ah xarunta dembi baarista (CID) ee Sheelare iyo saldhigga booliska ee degmada Xamar Jajab.

Qabashada Maxamed Bulbul waxay timid maalin ka bacdi markuu warbixintiisa laga baahiyay Kaab TV taasoo daaha ka qaadday eedeymo xatooyo oo lagu eedeeyay saraakiil sare oo ka tirsan booliska oo musuqmaasuqay lacago loogu talagalay askar ka qeybgaleysay seminaar ay qabatay hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan dhanka tababarrada ee EUCAP.

Maalintii shalay waxay ahayd in Bulbul la horkeeno Maxkamadda Gobolka Banaadir, balse waxaa diiday ciidanka CID oo ku andacooday inaysan wax baaritaan ah ku sameynin kiiska wariyaha.

Maanta oo Axad ah, oo ah maalintii 1aad ee uu xiran yahay Bulbul, lama horgeynin Maxkamadda.

Warbixinta maanta kasoo baxday ururka SJS ayaa lagu baaqay in si shuruud la’aan lagu siidaayo Maxamed Bulbul.

“Somali Journalists Syndicate – SJS waxay dalbaneysaa in Bulbul la siidaayo, lana joojiyo caburinta lagu hayo,” ayey ku baaqay SJS.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News