SO | EN

SO | EN

Bulshada rayidka Puntland oo beeniyay inay ka qeyb qaateen la tashiga wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya

|

GAROWE (Kaab TV) – Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland (PUNSAA) waxay ummadda Soomaaliyeed u cadeynaysaa inaysan marnaba qayb ka noqon doonin wax ka beddelka lagu sameeyo Dastuurka KMG ah, ha ahaadeen cutubyadii hore loo beddelay ama kuwa weli harsan.

War saxaafadeed kasoo baxay dalladda PUNSAA ayaa sidoo kale lagu caddeeyay inay “xasuusinayso Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, oo maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in bulshada rayidka Puntland ay ka qayb qaadatay wax ka beddelka dastuurka, in mowqifka bulshada rayidka Puntland uu weli yahay sidii ay ku caddeeyeen 30kii March, 2024.”

PUNSAA waxay sheegtay inay mowqifkeeda ku aaddan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ay caddeysay sida ay u soo saartay 30kii March, 2024.

“Sidoo kale, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland (PUNSAA) waxay cadeynaynsaa in Guddiga Madaxa bannan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka aysan kala tashan ama dhagaysan aragtida bulshada rayidka ee ku aadan wax kabedelka dastuurka iyagoo ku xusay nuqulka ay soo saareen inay la tashadeen Bulshada rayidka,” ayaa lagu yiri qoraalka war saxaafadeedka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, @HassansheikhAli, shalay ku dooday in “dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto Puntland la la-tashaday” iyada oo aan la hayn wax caddeyn ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News