SO | EN

SO | EN

Bulshada Soomaaliyeed waa in loo ogolaadaa inay si xor ah u hadlaan – Maryan Seylac

|

MUQDISHO (Baraarug) – Bulshada Soomaaliyeed waa in loo ogolaadaa inay si xor ah u hadlaan, qofna ma mudna in loo xiro ama lagu cadaadiyo aragtidiisa, sidaasi waxaa tiri Maryan Seylac oo ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Haweenka ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo suxufiyiintuba waa in aan la caburin, balse loo ogolaadaa inay si xor ah oo aan cabsi lahayn u hadlaan.

“Haddii dadka, siyaasiyiinta, iyo warfideennada la caburiyo, waxaa imaan karta xiisado hor leh iyo khatar ah in la waayo nabadda yar ee hadda jirta,” ayey tiri Maryan.

“Soomaaliya waa wadan soo maray in ka badan 30 sano oo dagaal sokeeye ah, sidaas darteed, xorriyadda hadalka waa arrin muhiim ah oo lagu ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka bulshada.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News