SO | EN

SO | EN

Burcadbadeed in Soomaaliyihiin latuhmaayo oo afduubtay Doon Kalluumeysi oo Yemeni ah

|

Eyl Puntland (KAAB TV) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Burcad-badeed lagu tuhmaayo in ay Soomaali yihiin afduubteen Doon kalluumeysi oo Yemeni ah meel u dhow Xeebaha Geeska Afrika, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Yemen.

Sidoo kale, War ay soo saareen EUNAVFOR Atalanta, oo ah ciidanka badda ee Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday, nooc ka mid ah Doomaha dhaqameed ee isticmaala badda Bariga Dhexe, weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhow deegaanka Eyl ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Weerarkan ayaa kusoo beegmay toban maalmood kadib markii burcad-badeed kale ay weerareen doon kalluumeysi oo Yemeni ah, taasoo ugu dambeyn burcad-badeeddii ay ka carareen, halka shaqaalihii saarnaa la badbaadiyey iyagoo aan waxyeello gaarin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News