Delhi (KAAB) –Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay in howlgal ay kasameeyeen xeebaha Puntland kusoo furteen markab lagu macagaabo Mv RUEN oo ay haysteen burcad badeed Soomaali ah.
Dhammaan 35 qof oo ah burcad-badeedii afduubtay markabkaas ayaa isku dhiibtay ciidanka India kadib howgal qaatay 24 saacadood.
17 shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilood ah gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida ay baahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.
Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.
Markabka Xamuulka ee MV Ruen oo Calanka Jesiiradda Malta ka dul babanayey waxaa iska leh Shirkad laga leeyahay dalka Bulgaria oo lagu magacaabo The Navigation Maritime Bulgare.
Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso sida ciidamada Hindiya ay xeebahaas ugu fuliyeen howlgalkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen burcad baddeed gacanta ku hayey doonyo iyo Markab ganacsi.