SO | EN

SO | EN

Burkina Faso oo noqotay waddankii koowaad ee u soo baxa tartanka AFCON 2025

|

ABIDJAN (KAAB TV) – Xulka kubadda cagta ee Burkina Faso ayaa noqday xulkii koowaad ee u soo baxa koobka ciyaaraha qaaradda Afrika ee AFCON 2025 ee ka dhici doona Moroco sannadka soo socda 2025.

Burkina Faso ayaa 2 – 0 kaga badisay xulka kubadda cagta ee Burundi caawa oo Axad ah ciyaartii ka dhacday garoonka Abidjan, dalka Ivory Coast.

Labada kooxood ayaa ku wadajiray kooxda L ee tartanka is reebreebka ciyaaraha Afrika.

Hadda waxaa la xaqiijiyay in kooxda Burkina Faso ay xaqiijisay inay tahay kooxda koowaad ee bannaanka u taagan tartanka ciyaaraha AFCON 2025.

Burkina Faso waxay 2 - 0 ku garaacday Burundi.
Burkina Faso waxay 2 – 0 ku garaacday Burundi.

DHIBCAHA KOOXDA L

Burkina Faso ayaa heysata 10 dhibcood iyadoo soo ciyaartay afar ciyaar tartanka is reebreebka.

Waxaa ku soo xigta Senegal oo heysata 7 dhibcood.

Burundi ayaa heysata 3 dhibcood.

Malawi oo kooxda L ugu hooseysa ayaan heysata 0.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News