MUQDISHO (Kaab TV) -Burundi ayaa Soomaaliya ku eedeysay qiyaano iyo mahad-naq la’aan kadib markii laga saaray liiska dalalka loo ogolyahay inay ciidamo ku biiriyaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee nabad kusoo celinta Soomaaliya ee loo yaqaan AUSSOM. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu soo gabagabeynayo howshiisa dhamaadka bisha December.
Sarkaal sare oo ka tirsan Burundi oo la hadlay warbaahinta Uganda, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dhaqaaqday khiyaano ay ku xaddidday ka qeybgalka Burundi.
“Waxaan soo marqaati kacnay qiyaano iyo mahad-celin la’aan ka timid Soomaaliya inkastoo naf-hurnimo badan aan ku bixinnay dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu yiri sarkaalka. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in go’aanka ay Soomaaliya ku dalbatay in la yareeyo ciidamo loo arko mid khatar ku ah habsami u socodka howlaha ciidamada Burundi.
Burundi ayaa codsatay in 2,000 oo askari la geeyo AUSSOM balse Soomaaliya ayaa u qoondeysay 1,041 oo kaliya, taasoo keentay inay ka baxdo howlgalka. Warqad ka soo baxday Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur 26-kii December ayaa lagu xaqiijiyay “ka-qeybgal la’aanta” Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF), taasoo uu ku sababeeyay in la isku fahmi waayay tirada ciidamada.
Burundi ayaa tan iyo sanadii 2007-dii kaalin muuqata ka qaadatay dadaalada xasilinta Soomaaliya, iyadoo kumanaan ciidamo ah oo ka tirsan AMISOM la geeyay, kadibna ATMIS. Markii ugu sarreysay, Burundi waxay ku biirisay 5,432 askari, taasoo ka dhigaysa ciidamada labaad ee ugu badan ee ka qaybqaata howlgalka. Ciidamada Burundi ayaa door muhiim ah ka qaatay xoreynta goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo ay ku jirto xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Al-Shabaab.
Inkastoo guulahaas la gaaray, ayaa haddana xiriirka labada dal waxa uu xumaaday, diblumaasiyiinta Burundi waxay ku tilmaameen “ixtiraam la’aanta Soomaaliya” ee wadahadalada qaybsiga ciidamada. Diblomaasi kale oo u dhashay dalka Burundi oo la hadlay VOA-da ayaa dhaliilay qaabka ay Soomaaliya wax u waddo, isagoo yiri, “Mahadsanid kuma filna dareenka reer Burundi ee ku aaddan Soomaalida, si wanaagsan ayaa loo sameeyay!
Soomaaliya waxay u qaabaysay u-guurka AUSSOM tilaabo loo qaaday dhanka madax-banaanida. Hawlgalka cusub wuxuu bilaaban doonaa Janaayo 2025 wuxuuna yeelan doonaa qaab-dhismeed khafiif ah, oo la geynayo 12,626 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 1,040 sarkaal oo booliis ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiisyo laba geesood ah oo lagu geynayo 11,000 oo askari, iyadoo ujeedadu tahay in la buuxiyo daldaloolada amniga ee ka dhalan kara dhimista ciidamada caalamiga ah.
Ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Maxamed Yuusuf ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiisyadan, isagoo sheegay inay lagama maarmaan u yihiin joogtaynta horumarka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ay aad uga mahadcelinayaan wax qabadkooda Burundi, waxa uuna tilmaamay in dhaxalkooda uu yahay mid ku suntan taariikhda Soomaaliya.
Ka bixitaanka Burundi ee AUSSOM ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan xiisado ballaaran oo gobolka ka taagan. Ka qayb galka Itoobiya ee howlgalka ayaa ah mid aan la hubin iyadoo ay ugu wacan tahay muran dhuleed iyo eedeymo la xiriira hub sharci darro ah. Saraakiisha Soomaalida ayaa soo jeediyay in laga yaabo in ciidamada Itoobiya laga saaro AUSSOM, iyadoo laga yaabo in dalal kale oo Masar ay ka mid tahay ay soo galaan kaalintooda.