Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

‘Bushaaro Baanday waxay u xiran tahay wiilka Muuse Biixi’

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cadeeyay in saxafi Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baanday) ay u xiran tahay wiilka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi.

Wariye Bushaaro ayaa ku xiran saldhigga Hargeysa tan iyo 15kii May 2023 markaasoo laga soo qabtay magaalada Wajaale iyadoo ka timid dhanka Somaliland.

Xildhibaan Axmed Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xildhibaan kale oo la yiraahdo Siciid Culay ay kula kulmeen hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

“Muddo hadda laga joogo bil oo ku beegneyd 25 June ayaa aniga iyo xildhibaan Siciid Culay isku aragnay Maxamed Muuse. Siciid Culay baa weydiiyay oo ku yiri ‘maad gabadha iska siideysaan? Wuxuu ku yiri ‘imisa jeer baan kuu sheegay oo aan ku iri gabadhaasi yaaney horteyda imaanin oo ay isoo hor marmarin?’,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Khaliif.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga uu ka dib weydiiyay Maxamed Muuse Biixi cidda ay u xiran tahay wariye Bushaaro Baanday.

“Waxaan ku iri ‘waryaa Maxamed, sow tii gabadhu u xirneyd adeerkeed Maxamed Kaahin. Sow tii iminka ergo loo jiray oo la siideynayo ma’ahan? Wuxuu igu yiri ‘Anigay ii xiran tahay. Siciid na waa og yahay’,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

MAXAMED KAAHIN MA SIIDEYN KARO

Xildhibaan Axmed Khaliif ayaa ka dibna sheegay inuu wiilka madaxweyne Muuse Biixi weydiiyay bal in Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin uu siideyn karo wariye Bushaaro.

“Intuu miiska garaacay buu igu yiri ‘ma siideyn karo’,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wiilka Muuse Biixi ee la yiraahdo Maxamed Muuse ayaa la sheegayaa inuu awood xad dhaaf ah ku heysto Hargeysa. Ilo wareedyada ayaa sheegaya inuu yahay taliyaha qarsoon ee ciidanka sirdoonka ee sida gaarka u tababaran ee Somaliland.

Qareenada Bushaaro ayaa sheegay in illaa 12 jeer la hor keenay maxkamadda, balse illaa hadda ay iska xiran tahay iyadoo mar waliba dib loo dhigo dacwadda.

Bushaaro hooyadeed Hinda Maxamed Cawaale ayaa dhanka kale ka codsatay madaxweyne Muuse Biixi inuu u sii daayo gabadheeda oo iyadoo aan wax denbi lahayn xabsiga la isaga hayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News