Shabeelaha Hoose(Kaab TV) –Buundada Sabiid & Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo dib u dhis lagu sameeyay sannadkii hore isla markaana la xarrig jaray 6dii December 2025 ayaa la duntay Gaari nooca Xamuulka ah.
Ilo kala duwan ayaa Warbaahinta u sheegay in Gaari noociisu yahay TM kana mid ah kuwa Xamuulka qaada oo dul marayay Buundada in ay la dul duntay inkasta oo aan lasoo warin khasaara naf oo ka dhashay arrintaan.
Sawirro laga soo qaaday Buundadaan waxaa ka muuqda Gaariga oo bartamaha maraya iyada oo buundadu duntay, waxaa xayirmay isu socodka Dadka Deegaanka ee labada dhinac isaga kala gudbayay maadaama ay jirtay Cabsi xooggan oo dhinaca socodka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed weli kama hadlin arrintaan, waxaana laga sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan, sidoo kale waxaa taagan hadal hayn arrintaas ka dhalatay.

