SO | EN

SO | EN

Buuq ka dhashay dooda Dastuurka ee ka socota Golaha shacabka.

|

Muqdisho (KAAB )- Maanta oo Sabti ah mudanayaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dood adag ka yeeshay wax ka bedelka Dastuurka KMG ah kaas oo ka taagan muran xooggan.

Mudanayaasha Barlamaanka ee maanta isku qoray inay ka hadlaan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka ee Villa Somalia ay riixayso ayaa sheegay in aan la joogin waqtigii wax laga bedeli lahaa Dastuurka.

Xildhibaanada qaar ayaa isku qabtay dooda wax ka bedelka Dastuurka kuwaas oo kala ahaa Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid .

“Ninkan wuxuu ka tirsan guddiga dastuurka inuu isaga dacwo kale keeno oo annaga naga horkeeno kuma haboona” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Laakiin dhankiisa oo hadalkaas ka carooday xildhibaan Waliid ayaa cod baahiyaha inta uu soo istaagay yiri.

“Aniga waa kamid ah guddiga dastuurka,laakiin xaq waxaan u leeyahay in aan waxa aan qabo ku daro” .

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa wada , dooda ay kaga hadlayaan wax ka bedelka Dastuurka , taas oo ay ka taagan tahay khilaaf xoogan.

Villa Somalia oo qorshahan wada waxa ay sheegaysaa in la meel marin doono wax ka bedelka Dastuurka oo aan cidna loo joojin doonin .

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News