SO | EN

SO | EN

Buuq ka dhashay kulankii golaha shacabka oo sababay in makarafoonkii golaha lajabiyo

|

Muqdisho (KAAB TV) – kulankii xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa hareeyay buuq, kaddib markii uu guddoomiye Aadan Madoobe uu soo jeediyay ajando ay si weyn uga caroodeen xildhibaannada qaar.

Sidoo kale, Aadan Madoobe oo maanta kulanka golaha furay, ayaa sheegay in ajandaha kulanka uu yahay in xildhibaannada u codeeyaan in kursiga xildhibaannimo uu waayay xildhibaan Maxamed Abiib oo horey guddoonka uga qaadeen xasaanadda.

Dhanka kale, qaar kamid ah xildhibaannada golaha Shacabka , ayaa si cad uga horyimid in loo codeeyo in xildhibaan Abiib laga saaro Baarlamaanka, waxa ayna xildhibaanadan is hortaag ku sameeyeen in uu kulanka socdo, iyaga oo jabiyay makarafoonkii golaha.

Xildhibaannadan, ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha Shacabka uu diiday in uu qabto lagana doodo mooshin ay soo diyaariyeen, waxa ayna ku eedeeyeen, Aadan Madoobe in uusan aheyn mid dhax dhaxaad ah, waxa ayna sheegeen in isaga nafiisa shaqada ka firiisin doonaan.

Sikastaba, Aadan Madoobe, ayaana markii dambe soo xiray kulankii golaha kaddib markii buuqa uu batay, waxa uuna guddoomiyaha caddeeyay in mooshinka uu diiday ee loo soo gudbiyay uu ahaa mid sharcidarro ah uusan qaban karin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News