CAABUDWAAQ (KAAB TV) – Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo ah Ugaaska Sade oo ka digay dhaqdhaqaaqyo ciidan Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado Galgaduud iyo arrinta hubka u gacangalay shacabka.
Wuxuu shacabka ugu baaqay inay is xakameeyaan, isagoo sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Shiir Madow markii ay iska hor yimaadeen ciidanka NISA ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.
“Waxyaabaha ay ku keceen ciidanka DF waxay ahayd mid mas’uuliyad darro ah. Waxaan jawaab uga fadhinaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug,” ayuu yiri Ugaaska Sade, Ugaas Maxamed.