Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa si adag u dhaliilay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Goobe, kaddib markii uu agaasimaha guud ee wasaaradda u soo diray inuu ku matalo kulan ay ahayd inuu wasiirku hor yimaado golaha.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaaraddu aanu awood u lahayn inuu ka jawaabo su’aalaha siyaasadeed ee xildhibaannadu doonayaan inay wasiirka kala xisaabtamaan, isagoo xusay in arrimaha noocaas ah ay u baahan yihiin jawaab toos ah oo ka timaadda wasiirka.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan jeediyay isagoo la hadlayay agaasimaha guud iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda, wuxuuna caddeeyay in aanay habboonayn in wasiirku u soo diro mas’uul kale marka looga yeero inuu hor yimaado Golaha Aqalka Sare.
“Hadda laga bilaabo, wasiirku waa inuu isagu yimaadaa. Wasiirkii ma joogo, wasiir ku-xigeenkiina ma joogo. Mudane agaasime guud, anigu wax walba ma aqaan,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in loo sheegay in wasiirku ku maqan yahay maamulka Galmudug, halka agaasimaha guud uu isagu u yimid kulanka golaha.
Cabdi Xaashi ayaa kala saaray su’aalaha farsamo iyo kuwa siyaasadeed, isagoo sheegay in agaasimaha guud uu ka jawaabi karo arrimaha farsamada iyo maamulka wasaaradda, balse aanu ka jawaabi karin su’aalaha siyaasadeed ee xildhibaannadu doonayaan inay wasiirka weydiiyaan.
“Annagu waxaan rabnaa inaan weydiinno su’aalo siyaasadeed, laakiin agaasimaha guud kama jawaabi karo arrimaha siyaasadda. Ma doonayno in waqtigeenna lagu lumiyo arrimo aanu ugu yeerin,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Wuxuu sidoo kale digniin u diray madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, isagoo sheegay in aanu mar dambe aqbali doonin in agaasimaha guud loo soo diro inuu wasiirka ku matalo kulamada Golaha Aqalka Sare.
Dhaliisha Cabdi Xaashi ayaa timid xilli Golaha Aqalka Sare uu doonayo inuu wasiirka kala xisaabtamo howlaha wasaaradda iyo arrimaha siyaasadeed ee la xiriira masuuliyaddiisa.
Hadalkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in wasiirradu si toos ah uga jawaabaan su’aalaha ay xildhibaannadu ka qabaan howlaha dowladda, halkii ay mas’uuliyaddooda u wakiilan lahaayeen mas’uuliyiin kale oo aan awood u lahayn inay ka jawaabaan arrimaha siyaasadeed

