SO | EN

SO | EN

Cabdifataax Xasan Afrax “Howlgal aan horkacaayey iguna garab taagan yihiin reer Hiiraan ayaan kula wareegay xarumaha maamulka Baledweyne”

|

Baledweyne (KAAB TV) – Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku dhawaaqay inuu maanta si buuxdo ula wareegay xarumahii maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baledweyne.

Cabdifataax Xasan Afrax oo warbaahinta kula hadlay gudaha xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne ayaa sheegay inuu hoggaaminayo halganka reer Hiiraan ugu jiraan helitaanka maamul ay si gaar ah u leeyihiin.

“Howlgal aan horkacayey iguna garab taaganyihiin reer Hiiraan ayaan kula wareegnay xarumaha Maamulka Baladweyne, laga bilaabo maanta waxaan Hogaaminayaa halgankii bulshada reer Hiiraan ee ahaa helitaanka maamul dadku leeyihiin oo la yiraa Hiiraan iyo Shabeellaha Sare. Anigu malihi Madaxweyne ayaan ahay, balse waxaan baaq u dirayaa waxgaradka, odayaasha, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iney isku yimaadaan oo dhistaan maamul u gaar ah cid kasta oo u qalanta hoggaamintiisane ay iyaga doortaan” ayuu yiri guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.

Cabdifataax Xasan Afrax wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka qoomameysanayo qaladaad badan oo uu ka galay shacabka reer Hiiraan, isagoona codsaday iney ka cafiyaan qaladaadkii uu ka galay bulshada Hiiraan.

“10 sano ka hor waxaan galay qalad ka dhan ah bulshada gobolka Hiiraan, waxaan ahaa qofkii saxiixay Maamulka Hirshabelle, laakiin Maanta waxaan bulshada gobalka ka dalbanayaa Cafis buuxo” ayuu yiri Cabdifataax Xasan Afrax.

Si kastaba ha ahaatee bilowgii sanadkaan ayay aheyd markii masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo Xildhibaanada reer Hiiraan, gaar ahaan kuwa beesha Xawaadle ay wadahadal ku dhameeyeen khilaafaad mudo dheer soo jiitamaayay oo ka dhashay hanaanka awood qeybsiga Hirshabeelle oo si weyn looga diidan yahay Hirshabeelle.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News