Muqdisho (Kaab TV) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ergeyga madaxweynaha uqaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo ka hadlay weerarkii ey xalay kuqaadeen Al-Shabaab Hotelka Pearl Beach.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in raggii soo weeraray Hotelka ey aheyd in laayaan dadka shacabka ah oo kusugnaa Hotelka kuwaas oo u dalxiis tagay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale wuxuu sheegay in Al-Shabaab ey weerar kuyihiin faraxada iyo quruxda nolasha dadka Soomaaliyeed sida uu sheegay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen.”
Dhanka kale wuxuu tacsi iyo tiiraanyo udiray ehelada iyo qaraabadi ey kabexeen dadkii ku dhinta Hotelka Pearl Beach.
Wexey weerar kuyihiin nabadda iyo xasiloonida ey heystaan dadka Soomaaliyeed, waana sida kaliya ey kumuujin karaan jiritaankooda argagaxisnimo, hadii dil iyo xasuuq eysan geysan waala iloobayaa ammarkoodana loo hoggaansami maayo.
Wax ka qalbi adag, ka arxan iyo naxariis daran, ka bahalsan ma arkin maafiyada caalamiga ah iyo kooxaha ku hawllan danbiyada abaabulan.
Waxaa taa la mid ah Argagexisada Al-Shabaab oo ay hubaal tahay in la horkeenayo dadkii ay xalay ku laayeen Hoteelka Pearl Beach iyagoo neecawda iyo jawiga deggan si nabdoon ugu cawaynaya iyo kumanaankii kale oo ay hoteellada, iskuullada, maqaayadaha, suuqyada iyo jidadka ku dileen ama ku gawraceen.
War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen? haddii aad gaalo la diririyseen dadkani waa muslimiin ehelkiina ah, haddii aad dawlad la dagaalayseen dadkani waa rayid aan cidna wax u gaysan.
Waxaa boggaadin mudan ciidamada amniga. Allaha u naxariiso intii xalay weerarkaas argagexiso ku nafwaayey, marka laga reebo kuwii weerarka soo qaaday.