Cabdullaahi Nuur oo sheegay in hub lagu daabulay hoteelkiisa, kuna eedeeyay DF bililiqo

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kalena ah mulkiilaha hoteelka Elite ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay xoog uga haystaan hoteelkiisa.

Cabdullaahi Nuur ayaa marka hore beeniyay in hoteelka gudahiisa lagu qabtay hubka uu soo bandhigay booliska, isagoo sheegay in hub culus lagu daabulay gudaha hoteelka, si looga been abuurto, loona sumcad dilo ganacsigiisa.

“Waxaan la wadaagayaa bulshada Soomaaliyeed in maalintii saddexaad ay ciidamo hubeysan si sharci-darro ah ugu sugan yihiin gudaha Hoteelka Elite,” ayuu yiri Wasiirka hore ee amniga.

Sidoo kale waxa uu sheegaay in la burburiyay qaybo kamid ah hoteelka, isla markaana la bililiqeystay hanti taallay gudaha hoteelka, isagoo sheegay in hantida maqan uu dhawaan la wadaagi doono bulshada.

“Waxaan la soconaa in gudaha hoteelka lagu daabulay hub culus, iyadoo ujeeddadu tahay in gudaha Hotelka si been abuur ah la is kugu sawirro hubka ay soo geliyeen Hotel ka si loo sumcad xumeeyo goobtaas ganacsi,” ayuu yiri mulkiilaha hoteelka Elite.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rabaa inaan bulshada u caddeeyo in hubka yaalla hoteelka uu yahay mid fudud oo keliya, laguna ilaaliyo amniga Hotel ka iyo badqabka shacabka soo booqda hoteelka.”

Hadalka mulkiilaha hoteelka Elite ayaa imanaya kadib markii galabta ay ciidanka booliska Soomaaliya kusoo bandhigeen gudaha hoteelka hub culus oo ay sheegeen inay ku qabteen gudaha hoteelka.

Hubka uu soo bandhigay booliska ayaa isugu jiray hub fudud iyo kuwa culus, waxaana ka mid ahaa hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

“Hubkan waxaa laga soo qaaday hoteelka, wuxuuna ka mid yahay hubka sida sharci-darrada ah loo haystay. Ma jirto wax nagu kalifaya inaan ammaanka been ka sheegno. Hubkan waxaa lagu qabtay gudaha hoteelka,” ayuu yiri Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha hoteelka Elite.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wada howl-galka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News