SO | EN

SO | EN

Cabdullaahi Sanabloolshe oo ku guuleystay dedaalada nabadeynta gobolka Hiiraan

|

Beledweyne (KAAB TV) – Dadaalladii nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ahaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday gobalka Hiiraan ayaa u muuqda kuwa laga gaaray natiijo wax-ku-ool ah oo ay dad badan rajo ka qabaan inay billow u noqon karto xal-u-helidda xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobalka.

Sidoo kale, horumarka hadda laga gaaray arrinta gobalka Hiiraan ayaa loo sababaynayaa kaalinta hoggaamineed ee ay qaateen mas’uuliyiinta ka soo jeedda gobalkaas oo uu ugu horeeyo Taliyaha Nabadsugidda C/llaahi Sanbalooshe.

Dhanka kale, Taliyaha oo mudo 10 maalmood ah ku maqanaa Hiiraan ayaa soo gabagabeeyay safarkiisa, waxaana arrimaha xalka laga gaaray kamid ah:

  1. In xeyndaabka dawladnimada dib loogu soo celiyo garabka Hiiran State oo ku sugnaa Feerfeer Itoobiya oo uu hoggaaminayay Abdullahi Ganey.
  2. ⁠In si nabad ah gacanta dawladda loogu soo celiyo xaruntii gobalka Hiiraan, ka dib markii la qanciyay garabka Hiiran state ee uu horkacayay Colow oo ku sugnay Xarunta.
  3. ⁠In dib loo abaabulo, safafka halgamayaashii deegaanka ee Macawiisleyda oo la mideeyay cududdooda si mar labaad loo dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
  4. ⁠in la xaliyay xiisaddii ka dhalatay Askartii lagu laayay Ceelbaraf iyo in xalkaas ay si weyn uga baxeen Duubabka Dhaqanka Mudullood uu hoggaaminayay Imaam Daahir Imaam Maxamuud.
  5. ⁠In la qaaday isbaaroyinkii yaalay Beledweyne oo sababta u ahaa sicirbarar dhanka maciishadda ah oo ay ku dhibbanaayeen dadka deegaanka Golfyare.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News