Muqdisho (Kaab TV ) Waddooyinka magaaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaada ah inta badan la soo dhigay ciidamo hor leh kuwaas oo ujeedkoodu yahay sugidda amniga caasimadda.
Baraha kantaroolada ayaa la dhigay ciidamo hore oo xoojinaya kuwii hore halkaas u joogay isla markaana il- gaar ah ku hayn doono amniga baraha suurtagalka ay tahay in laga soo galo.
Baraha qaarkood oo ay joogi jireen ciidanka Booliska ayaa hadda waxaa muuqanaya in lagu soo kordhay kuwa Nabad sugidda ah taas oo muujinaysa suurtagalnimada in caasimadda ay ka dhici karaan falal amni darro.
Maanta waxaa inta badan la fasaxay shaqaallaha wasaaradaha amniga iyo diinta Awqaafta sabab la xiriirta digniin amni oo ka soo baxday madaxda labada wasaaradood.
Talaabadan ayaa salka ku haysa dagaalka ciidanka Dowladda iyo kuwa Al- Shabaab ku dhaxmaraya meelo ka ah gobolada qaar ee dalka , oo suurtagal ay tahay in kooxda Al- Shabaab ay beegsadaan goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Si kasta marar badan ayaa kooxda Al- Shabaab waxa ay weeraro ka gaysteen magaalada Muqdisho ka dib culaysyada dagaal ee ka haysta gobolada dalka ee ay ka socdaan howlgalada.