SO | EN

SO | EN

Cabsi weyn oo kajirta sakay gudaha dalka Kenya

|

Nairobi (KAAB) – Waxaa saakay xiran inta badan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ee kuyaalla magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya, kaddib cabsi laga muujiyay dibad-baxyo rabshada wata ay dhigaan taageerayasaha mucaaradka Kenya.

R/Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa iclaamiyay in ay dhigayaan dibad-baxyo xiriir ah muddo saddex maalin ah oo ka bilaabanaya maanta oo Arbaco ah, waxaana looga soo horjeedaa dibad-baxyada dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ruto.

Sidoo kale, ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo milatari ayaa dowladda saakay dhoobtay waddooyinka magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale , ciidanka ayaana dowladda ammartay in ay kahor tagaan dibad-baxyo rabshada wata in ay dhacaan.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Nairobi ayaa saakay intooda badan xiran, waxaa sidoo kale la fasaxay ardayda wax-kabarata iskuulada iyo jaamacadda kuyaalla dalka Kenya, cabsi laga qabo dibad-baxyada owgeed.

Dhanka kale, dibad-baxyada xiriirka ah ay ku baaqeen mucaaradka Kenya ayaa saameyn badan ku yeelaneysa dad badan oo kunool goobaha ay ka dhacayana dibad-baxyada, waxa ayna dowladda uga digtay kooxaha dhigaya dibad-baxyada in ay rabshado sameeyaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News