SO | EN

Caga badan kuma taagna Laascanood

|

Laascanood (KAAB)  Magaalada Laascanood markasta waxa laga filan karaa in ay ka dhacaan duqeymo iyo dagaal sabab la xiriirta in wali wax xal ah laga gaarin xiisada laga walaacsan yahay eek a jirta magaalada.

Ku dhawad 10 maalin oo dagaal uu ka socdo keliya waa in dhinacyada loogu baaqay in ay joojiyaan dagaalka ay ku dhimanayaan dadka shacabka ah ee magaalada ku haray , waxaana manta oo ay ugu danbeysay la duqeeyay magaalada .

Waxaa meesha ka baxay xabad joojin la doonayay in ay ka dhaqan gasho magaalada , si looga baaqsado dhiig kale oo kale oo ku daada magaalada isla markaana la badbaadiyo rayidka.

“Waxaan si weyn uga walaacsan nahay hoobiyeyaasha lagu garaaco dhismeyaasha rayidka, taasoo horseeday in waxyeello ay soo gaarto dadka shacabka ah iyo barakac baahsan”. Sidaas waxaa yiri beesha Caalamka  oo ka waalacsan xaaladda ka sii daraysa ee Laascanood.

Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya tirada dhimashada iyo dhaawaca uu sababay dagaalka Laascaanood iyo tirada dadka ilaa hadda ku barakacay.

Khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha Sool iyo Sanaag ayaa in muddo ah jiray iyadoo ay horay ay deegaannadaas uga dhaceen dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Waxaa sidoo kale barakac sameeyay dadka deegaanka, kuwaas oo ay haatan soo wajhaday xaalad adag oo nololeed, maadaama aysan heysan hoy iyo wax ay cunaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News