Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Cali Balcad oo ka hadlay sababta Reysal Wasaare hore Rooble loogu diiday Baasboorka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in wasaaraddiisu ay sabab u tahay diidmada warqadda habraaca dalbashada fiisaha dalka Koonfur Afrika, isagoona caddeeyay in warqaddii ay u direen Dowladda Koonfur Afrika ay dib ugu soo celisay wasaaradda.

Sidoo kale, Cali Balcad ayaa cadeeyay in Dowladda Koonfur Afrika ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya wka weydiisay wafdiga Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, iyo cidda sida rasmiga ah ugu casuuntay dalka Koonfur Africa.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa su’aal ka soo celisay cida Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble hoggaamin karo in ay noqdaan wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno, iyada oo aysan jirin warqad casuumaad rasmi ah oo dowladeed.

Dhanka kale, Cali Balcad ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdullaahi Carab uu mar kale la xiriiray mas’uuliyiinta safaarada, una sheegay inuu ku safrayo baasaboorka Soomaaliga, taasoo fududeysay in fiisaha loo soo saaro.

Xildhibaanka oo war qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Facebook ayaa ka jawaab celiyay hadalkii Wasiir Cali Balcad, isagoona yiri “Waxaan ognahay oo kaliya in Wasiir Cali Balcad uu si shaqsi ah u hor istaagay warqaddaas, diidayna in ay ka gudubto kaydka (Archive) Wasaaradda Arrimaha Dibadda.”

“Markii aan xaqiiqsannay in warqadda la hor istaagay, waqtiguna nagu socday, ayaan u maray guddoonka Baarlamaanka sida xildhibaannada kale si aan fiisaha u qaato Wafdiga qayb ka mid ahna ma suurtagelin inay safraan, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare hore Rooble.”

Dhankiisa Reysal Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibbadiis ay saameysay dhacdadan, balse ay la xisaabtami doonaan marka uu dib u soo laabto, isagooan intaasi kusii daray in wixii uu madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka diiday in ka aqbali doonin madaxweyne Xasan Sheekh.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News