Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu heysto labo xasaanad, halka xildhibaannada kale ay heestaan hal xasaannad kaliya.
Sidoo kale, Cali Cosoble, ayaa ka falcelliyay hadal uu sheegay Xildhibaan Jeesow oo ah in aan la weerarin shacabka deggan Galbeedka gobolka Hiiraan oo ay heestaan Al Shabaab isagoona xilligaasi Jeesow ka falcelinayay hadal uu jeediyay Cali Jeyte oo ah Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cosoble in Daahir Amiin Jeesow uu heysto xasaanad dheeri ah oo dhinaca Al Shabaab ula jeeday, waxa uuna ku baaqay in xildhibaannada kalana la siiyo xasaannad dheeraad ah ama laga qaado Daahir Jeesow xasaannada kale uu heesto.
“Waxaan dhageystay Xildhibaan Daahir Amiin Jesaw oo dhahaya galbedka Hiiraan waxaa ku nool oo la heystetayaal ku ah adeeradey, abtiyaashey iyo eedooyinkey, haddii Shabaabka jooga galbeedka Hiiraan la weerarana waxaa halkaas ku la’anaa tolkey ee yaan la weerarin”.