Beledweyne (Kaab TV)– Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka ayuu kaga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu xalay xilka ka qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.
Cosoble ayaa soo dhoweeyay xil ka qaadista lagu sameeyay Cali Jayte, wuxuuna hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, Cabdullahi Sufurow.
Dhanka kale wuxuu ugu duceeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uiliyadda culus ee loo igmaday, maadaama ay hortaallo shaqo adag.
“Hambalyo Mudane Cabdullahi Sufurow guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan. Allah kuu fududeeyo xilka culus ee lagu saaray” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cosoble.
Qoraalkan ayaa waxaa ka dhashay falcelin ay ka sameeyeen dadweyne kala duwan oo uu ka mid yahay Farxaan Axmed oo isticmaala baraha bulshada, kaas oo ku eedeeyay Cosoble iyo Dabageed in ay ka dambeeyeen tallaabada xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Hiiraan.
Cali Cosoble oo u jawaabay Farxaan ayaa yiri “Jayte kursiga dhaxalna kuma helin, doorashana kuma imaan Waa loo dhiibay, waana laga qaaday” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle.