SO | EN

SO | EN

Cali Cosoble oo yiri Puntland waa curad caasi noqday

|

Muqdisho (Kaab TV)– Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray qormo cusub oo uu cinwaan uga dhigay Puntland waa curad caasi noqotay taasi oo uga hadlayo doonista Puntland iyo isa-seegooda dowladda federaalka Soomaaliya Cali Cosoble ayaa waxa sheegay in Puntland ey ku faaiiday magaca Soomaaliyeed iyada oo waxa maamulkaasi uu ka helay Soomaaliya aysan helin maamullada Galmudug HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, sida uu ku yiri qormadan.

Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen Noqo curad baari ah oo aanan keligii cune aheyn kana billow inaad labada dekedood mid dakhligeeda ku wareejiso dowladda dhexe si ay wax ugu qabato walaalahaa.

Waalidka waxaa laga rabaa hadduu wiilka curadka ah isku filnaado inuu ka shaqeeyo sidey kuwa kalena isugu filnaan lahaayeen. Wiilka curadka ahna waxaa laga rabaa inuu ku kaalmeeyo waalidka sidii kuwa la dhashay loo korin lahaa oo loo soo gaarsiin lahaa heerka uu joogo.

Waxaad aad u sheegtaa inuu khilaaf soo kala dhex galay labada dowladood ee kala ah Dowladda Puntland iyo Dowladda Soomaaliya iney taleefan ku wada hadleen madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Soomaaliya. Federaalka markaad nagu qancineysay nooma aadan sheegin inaad dowadd dhexe faceysan doonto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News