SO | EN

SO | EN

Cali Daahir Ciid oo waji cusub uyeelay khilaafka kala dhexeeyo Qoor Qoor

|

Dhuusamareeb (KAAB TV) – Waxaa meel xun gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorr Qoor iyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid , khilaafka labada masuul ayaana si cad usoo bannaan baxay isbuucii hore.

Sidoo kale, Khilaafka labada masuul oo qarsoonaa ayaa soo bannaan baxay kaddib markii madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid uu shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug, waxaana xil ka qaadistaasi kahor yimid madaxweyne Qoor Qoor.

Dhanka kale, madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid oo ka hadlay doorasho shalay ka dhacday Caabudwaaq ayaa waji kale u yeelay khilaafka kala dhaxeeya Qoor Qoor, waxa uuna bulshada Caabudwaaq ugu baaqay in ay fadhiga ka kacaan.

Cali Ciid ayaa sheegay in si isugu egyihiin arrinta ka taagan magaalada Caabudwaaq iyo tii kacdoon ka dhacday Laascaanood, waxa maamulka uu katirsan yahay ee Galmudug xaqirtay Caabudwaaq oo canshuurta dadkeeda laga qaado aan lagu celin.

“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan. Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu yiri Cali Ciid.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Caabudwaaq in ay isku tashadaan waxna ka qabtaan dhibaatada degmadooda ka jirto, waxa uu ku booriyay in canshuurta degmada laga qaado laga shaqeeyo in dib loogu celiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News