MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo gaaray Magaalada Al-kowsar oo socdaal dhiirigalin ah ku maraya furimaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanada ayaa waxaa bartamaha Magaalada kusoo dhoweeyay Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey, Waxgaradka Magaalada iyo boqolaal dadweyne ah.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bulshada sida diiran ugu soo dhoweeysay Magaalada isagoo ku amaanay sida geesinimada leh ay isaga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab iyo garab istaaga ay u muujiyeen qeybaha kala duwan ee Ciidanka.
Dhanka kale, Cali Guudlaawe oo goob fagaare ah kula hadlayay bulshada ayaa ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeya Alkowsar ay ka mid tahay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle deg degna loo dhameystiri doono adeegyadii muhiimka ahaa sida fulinta mashaariicyada horumarinta.
Madaxweynaha ayaa shacabka degmada Alkowsar iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u soo baxaan dhameystirka haraadiga cadowga Al-Shabaab oo maraya marxaladoodii ugu dambeysay ee looga ciribtirayo dalka.