Nuur-Dugle (KAAB TV) – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xoojinaya howlgalka lagu ciribtirayo Kooxda Al Shabaab ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada dib u xoreynta ee sugan deegaanka Nuur-Dugle.
Sidoo kale, Cali Guudlaawe oo goob fagaare ah kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xoreynta, ee uu saldhigoodu yahay deegaanka Nuur Dugle ayaa ku bogaadiyay si nafhurnimada leh ay isaga dulqaadeen cadowga Al Shabaab , isagoo xusay in maanta looga baahan yahay baabi,inta cadowgaan dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne, Guudlaawe ayaa tilmaamay inay u taagan yihiin xoojinta iyo dhiirigalinta ciidamada, isagoo xusay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay wajihi doonaan ciribtirka Al Shabaabka ku dhuumaaleysanaya deegaanada u dhaxeeya Hirshabeelle iyo Galmudug.
Ugudambeyn, Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan dhiirigalinta ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee u taagan baacisiga kooxda Al Shabaab.