SO | EN

SO | EN

Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledweyne

|

Beledweyne (Kaab TV)– Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoon diyaaradaha ee Ugaas Khaliif madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo ku-xigeennadiisa maamulada degmooyinka Beledweyne Maxaas Farlibaax Feerfeer iyo Matabaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa saraakiisha hay’adaha amniga saaraakiisha ciidamada Hiil-walaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu adkeeyay in la dardar-galin doono wejiga 2aad ee howl-galada kaasi oo si hordhac ah uga billowday deegaanada maamulkaasi ayada oo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaab-ka madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa magaalada Beledweyne u tegay dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo khilaafkii dhawaan soo dhex-galay maamulkiisa iyo kan gobolka Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Si kastaba Waxaa socda diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah iyada oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ciidamadu ka joogaan dalka kuwaasi oo la howl-gali doona ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee guulaha wax ku oolka ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News