Cali Guudlaawe oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Hiiraan

|

Hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Barre Cilmi, kaddib markii uu xilkaas iska casilay Muuse Salaad Weheliye oo muddo kooban hayay xilka.

Wareegtada magacaabista oo uu warbaahinta u akhriyay agaasime ku-xigeenka warbaahinta Madaxtooyada Hirshabeelle, Mahad Axmed Calasow, ayaa lagu sheegay in magacaabista cusub looga gol leeyahay dardargelinta howlaha maamulka, nidaamka dowliga ah iyo adeegyada bulshada gobolka Hiiraan.

Wareegtada ayaa lagu xusay in Cali Guudlaawe uu tixgeliyay waayo-aragnimada iyo aqoonta Cabdullaahi Barre Cilmi, iyo sidoo kale talo-soojeedinta madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, ka hor inta uusan u magacaabin xilka guddoomiyaha gobolka.

Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana uu horey u soo noqday abaanduulaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Magacaabistiisa ayaa muujinaysa in maamulka Hirshabeelle uu xilka guddoomiyaha gobolka u doortay shaqsi leh khibrad dhinaca ciidamada ah, xilli gobolka Hiiraan uu wajahayo xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo adag.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli taagan su’aasha ah sida uu guddoomiyaha cusub ula macaamili doono dhinacyada kala duwan ee bulshada, gaar ahaan siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Magacaabistan cusub ayaa timid kaddib markii Muuse Salaad Weheliye uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Muuse Salaad ayaa markii uu xilka ka tagayay sheegay in khilaafka kala dhexeeya hoggaanka Hirshabeelle uu la xiriiray sida loo wajahayo tabashooyinka bulshada reer Hiiraan.

DHEERAAD:  Xildhibaan C/dullaahi Black ayaa maanta loo diiday in uu tago magaalada Baydhabo

Wuxuu ku dooday in tabashooyinka bulshada aan lagu xallin karin hub, cabsi-gelin iyo awood ciidan, balse loo baahan yahay wadahadal, wadatashi iyo in si dhab ah loo dhageysto cabashooyinka dadka deegaanka.

Hadalladaas ayaa muujiyay in khilaafka gobolka Hiiraan uusan ku koobnayn magacaabista masuuliyiinta, balse uu salka ku hayo arrimo la xiriira matalaadda siyaasadeed, maamulka gobolka iyo sida loo xallinayo tabashooyinka bulshada.

Magaalada Beledweyne ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka jiray xiisad siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen siyaasiyiin, waxgarad iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo diiddan maamulka Hirshabeelle.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, maleeshiyaad Macawiisley ah oo ay la socdeen siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa la wareegay qaybo ka mid ah xarunta maamulka gobolka ee Lama-Galay, taas oo sii xoojisay muranka ku saabsan cidda maamuleysa xarumaha dowladda ee magaalada.

Warbixino la baahiyay xilligaas ayaa sheegay in xarunta maamulka ay ka jireen dhinacyo kala duwan oo isku haya awoodda iyo maamulka gobolka, iyadoo xaaladda amni ay ahayd mid xasaasi ah.

Dhinacyada ka soo horjeeda Hirshabeelle ayaa muddo dheer soo bandhigay tabashooyin la xiriira matalaadda reer Hiiraan, awood-qaybsiga iyo sida maamulka uu ula macaamilo bulshada gobolka.

Su’aasha ugu weyn ee ka dhalatay magacaabista Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa ah in isbeddelka guddoomiyaha gobolka uu wax ka beddeli doono xaaladda siyaasadeed ee Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub wuxuu wajahayaa mas’uuliyad culus, maadaama laga doonayo inuu dib u soo celiyo wada-shaqeyntii hay’adaha maamulka, xoojiyo adeegyada bulshada, isla markaana uu dhiso xiriir uu la yeesho dhinacyada aan ku qanacsanayn maamulka Hirshabeelle.

Khibraddiisa dhinaca ciidamada ayaa laga yaabaa inay ka caawiso fahamka xaaladaha amniga, balse caqabadda ugu weyn ee hortaalla ma aha mid ciidan oo keliya. Waxaa loo baahan yahay kalsooni siyaasadeed, wadahadal iyo heshiis ay qayb ka yihiin bulshada deegaanka.

DHEERAAD:  Dagaalkii Leego: Su’aalo ka taagan tirada askarta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay

Haddii aan wax laga qaban tabashooyinka muddada dheer soo jiitamayay, magacaabista guddoomiye cusub keliya ma noqon karto xal waara oo lagu dejiyo xiisadda gobolka.

Xaaladda Hiiraan waxay sidoo kale muhiimad gaar ah u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama gobolka uu yahay meel istaraatiiji ah oo ay ka socdaan hawlgallo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Khilaafka u dhexeeya maamulka Hirshabeelle iyo qaybo ka mid ah bulshada Hiiraan wuxuu halis gelin karaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo ciidamada deegaanka, haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin.

Dowladda Federaalka ayaa sidaas darteed wajahaysa baahi ah inay taageerto dadaallada wadahadalka, iyadoo aan la iska indho-tirin tabashooyinka bulshada iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo hay’adaha dowliga ah.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News