SO | EN

SO | EN

Cali Guudlaawe oo kicinta bulshada dagaalka Al-Shabaab kawada deegaanka Guulane

|

Guulane (KAAB TV) – Madaxweynaha dowladd goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo kusugan deegaanka Guulane gobolka Shabeelaha Dhaxe, ayaa maanta goob fagaare ah kula hadlay shacabka kudhaqan deegaankaas isagoo kala hadlay sidii ey ugu qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe oo socdaalkaan booqashada ah ay ku wehliyeen taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye Ku Xigeenka gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale ayaa u jeedkoodu ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhanka kale, madaxweynaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay deegaanka Guulane ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay u wajaheen Al-Shabaab, isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirta iyo baabi’inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Cali Guudlaawe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanno iyo degmooyin kuyaalla gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna halkaasi ka waday abaabul dagaal la doonayo in Al Shabaab looga sifeeyo guud ahaan gobolka Sh/Dhaxe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News