Jowhar (KAAB TV) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabeellle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shir looga hadlayay Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada, Maamul dhisida, Amniga, Cadaaladda iyo Xalinta Khilaafaadka.
Sidoo kale, shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanada deegaanka guddoomiyaha maxkamada sare ee Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa diirada lagu saaray dardar-galinta iyo isku xirka arrimaha xasilinta adkeynta nabad-gelyada, maamul dhisida, dadaallada xalinta khilaafaadka, xoojinta iyo tayeynta hannaanka garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo caddaalad ah.
Dhanka kale, Cali Guudlaawe ayaa xusay in degmada Cali Gaduud iyo dhammaan magaalooyinkii laga xoreeyay Al-Shabaab la gaarsiiyo adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay cadowga ku hayeen 15-kii sanno ee lasoo dhaafay.