SO | EN

SO | EN

Cali Guudlaawe & Shiikh Shariif oo shirweyne ka furay degaanka Burka Diirimeed

|

Cadale (KAAB) – Madaxda Hirshabelle iyo Madaxweynihii hore ee Somaalia ayaa dedaalo nabadeed ka wada degaano ka tirsan Sh/dhexe oo dhawaan dagaalo culus ay ku dhexmareen maleeshiyaadka labad beelood oo walaalo ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa shalay gaaray deegaanka Burka Diirimeed.

Waxaa halkaas ku dhoweeyey Madaxweynihii hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Masuuliyiin kale.

Deegaankaan waxaa maanta ka furmaya Shirka Dib u Heshiisiinta ee u dhaxeeya Beelihii Walaalaha ahaa ee dhawaan dagaalamay deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.

Shirka dib u heshiisinta beelahan walaalaha ayaa waxaa goob joog ka ah Odayaasha dhaqanka labada dhinac iyo qeybaha bulshada, waxaana la filayaa in lagu soo afjaro xal waarana looga gaaro colaadii dhexmartay labada beelood

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News