Beledweyne (Kaab TV) –Faahfaahino dheerad ayaa waxaa laga helayaa guddoomiyaha gobolka Hiraan iyo Safiirka Mareykanka ee xilka kasii dagaya Larry Andre.
Waxa ay aaladda Zoomka kuyeesheen kulan xasaasi ah waxaan looga hadlay howlgallada xoreynta ee haatan ka socda maamulka Hirshabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan.
Sidoo kale danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhaleceeyay dagaal beeleed maalmo kahor ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada 5 qof.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xukuumadda Washington ku amaanay kaalmada isugu jirta hubka, saanada iyo taageerada dhanka cirka ah ee Soomaaliya.
Dhankiisa guddoomiye Cali Jayte Cismaan ayaa Mareykanka uga mahadceliyay taageerada milatariga ee uu siiyo Soomaaliya, wxuuna ka dalbaday inuu sii laba jibaaro, isla-markaana uu ka qayb qaato wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu Maraykanku bishii March dowladda federaalka ku wareejiyay deeqdii labaad oo ka kooban 61 tan oo hub iyo rasaas ah taas oo loogu talagalay ciidanka Danab.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda duulaan toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn, kadib markii kooxda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.