SO | EN

SO | EN

Cali Jeyte oo sheegay in Loo doortay madaxweynaha Hiiraan State

|

Beledweyne (Kaab TV) –  Cali Jeyte Cismaan oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Beledweyne loogu doortay madaxweyne.

Jeyte ayaa shaaciyay in reer Hiiraan ay tashateen, isla-markaana ay sameysteen maamul ka madax bannaan HirShabelle, kaas oo loogu magac daray Hiiraan State waxa uu sheegay inay go’aansadeen inay ka hoos baxaan HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Jeyte, “Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

“Madaxweyne iyo ku xigeen waxaa loo doortay aniga iyo nin ladhoho Axmed Cismaan Cabdalle Inji” ayuu yiri Jeyte.

“Aniga hal mid ayaan kuu caddeynayaa diyaar uma ihi inaan dad ka hoos shaqeeyo, haddii ay wax kasta dhacaan nimankan iyaga ah ewelbaa dhib ku qabay” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kudaray hadalkiisa “Haddii sharciga lagu toosnanayo oo meesha wax uu dhigo la dhigayo ma timaadeen.”

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News