Hargeysa (KAAB TV) – Maamulka Soomaaliland ayaa waxbo kama jiraan kutilmaamay hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, oo sheegay in saraakiil katirsan Itoobiya oo hirgalinaya heshiiska ay Sooomaaliland lagashay Itoobiya ay xilgan joogaan magaalada Berbera iyo deegaano kale oo katirsan maamulka Soomaaliland.
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta maamulka Soomaaliland Cali Xasan Maxamed ayaa sheegay in uu san waxbo kajirin hadalka madaxweyne Xasan Sheekh, isagoona xusay in xiligan Soomaaliland aysan joogin Saraakiil katirsan Itoobiya.
Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in Soomaaliland iyo Itoobiya uu kadhexeeyo xiriir soo jireen ah, waxaana kadhexeeyo heshiis ganacsi iyo mid ammni oo muddo badan soo jiray.
“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xidhiidh oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arrintaas. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo xubna la socda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xiriirka labada dhinac, balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed.
“Muuse Biixi ayaa arrinta heshiiska ee is afgaradka ahaa uxil saaray xubno guddi ah oo sideed qof kakooban, kuwaas oo hada kuhowlan qorshaha dhameystirka heshiiska”.
Wasiirka ayaa waxa uu intaas uu kudaray in dhowaan ay rajo kaqabaan in heshiiska lahirgaliyo, iyadoona dhowaan heshiiskaas lahorgeyn doono labada aqal ee golaha wakiilada Soomaaliland.
Heshiiska ay gaareen Ra’isul Wasaare Abiy iyo Muuse Biixi ayaa dhigayay in Somaliland xeebteeda 20km oo marin baddeed ah siiso Itoobiya, oo ay ka dhiganayso saldhig millatari, halka Itoobiya dhankeeda ay Somalililand u aqoonsan doonto dowlad madax-bannaan.