SO | EN

SO | EN

Cali Yare oo yiri Farmaajo waxaa fashiliyay saaxiibadeen danleyda Siyaasadda

|

Muqdisho (Kaab TV)– Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere Cali Yare ayaa bilaabay qormooyin taxane ah oo uga hadlayo guul-daradii kooxda uu ka tirsan yahay ee madaxweyne Farmaajo kasoo gaartay doorashadii 2022-ka.

Kooxdan ayuu sheegay inay kusoo biireen kooxda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo 2015-kii illaa maanta ay qeyb ka yihiin, balse ay ku kala aragti duwan yihiin hab maamulka, qoladan ayuu ku sheegay inay u yaqaaneen Khawaariijta Siyaasadda, maadama uu xusay inay ahaayeen koox mayl adag oo shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye Abu Cubeyda sida uu ku sheegay qormadiisa. Meelaha lagu kala fogaa waxaa ugu weynaa innaga oo u arkeeynay in dalka iyo dadka la maamulayo ay soomaali yihiin, dadkuna aanay weli dib-uheshiis rasmi dhexmarin magaalada la joogo ay magaalo halis ah tahay oo dowladaha lagu dubto sidaas daraadeedna xikmad wax lagu wado.

Halka saaxiibadeenna kale ee daneyda siyaasada ay iyagu had iyo goor role model iyo shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Ahmed Abdi Godane iyo Ahmed Dirie Abu Cubeyda oo doodaha dhexdeenna ah ayayba ka dhici jirtay, iyaga oo leh, Abu Cubeyda ma laandheere-nimo ayuu wax ku maamulaa? oo mararka qaar ineey nagu dayaan waaba iska jeclaan lahaayeen, nasiib wanaag maynaan aheyn rag jiljeleecaas loola imaan karay, oo waxaan aheyn rag aasaasayaal ah isku kalsoon, hoggaamiyahoodana ku kalsoon, iyagana u arka niman aan cadow iheyn ee Takfiir siyaasadeed u ah.

Sidoo kale aanu jirin wax khilaaf ah ama kala fikir duwanaansha ah oo innaba hala ekeeto e xisbiga dhexdiisa ka jira marka laga reebo qaabka gaarista hiigsiga la tiigsanayo oo sida dabiiciga ah qofba qaab u arki karo, hadana waxaan u arkay ineey lagama maarmaan tahay in si dhab ah loogu waramo bulshadii iyo Jamaahiirtii nadhinac taagneeyd xilligaas dheer ee nala soo jamhadeeysay wax xog ahna aan ka heysan wixii la soo maray iyo waxa socda Qoraalkeyga oo taxane noqon doono, kuma xusi doono magacyada shaqsiyaad IWM, waanse idiin iftiimin doonaa.

Waxaa in muddo ah la i waydiinayay, su’aal la xariirta sida bulshadii Madaxweyne Farmaajo taageerada xaddhaafka u heysay ay qaarkood muddo gaaban oo sannad ka yar ugu qaadeen cadaawad fog iyo sababihii keenay.

Waxaa jirtay Koox nagu soo biirtay goor dhexe oo ah sannadkii 2015 waxay ahaayeen koox markii hore 3 saddex qof oo kali ah ka koobneeyd markii danbana ilaa (9) sagaal qof gaartay dhisme ahaanna iskugu xirneeyd qaab-dhismeedka islaamiyiinta oo ah AMIIR iyo koox Efentari ah oo howlgallada u qaabilsan una badan dad ciishoon oo waxaanba xasuustaa galab Sep 2016 aan ka soo baxnay Hotelka Intercontinental Nairobi oo iyaga i hor socda aan kula kaftamay inuu qaab-socodkoodu shabaho kooxda Daacish (ISIS) oo xilligaas ay dunidu aad u hadalheysay – si aad ah ayay u qosleen sidii rag aan dallacsiiyay oo kale (marag-fur ahaan iyaga uwaydii cilladaha aan ku aqaannay inkiraad kuma jirine.

Xilliyadii dambe ee doorashadii 2017, goortii aan Madaxweyne Farmaajo la sheekeeysanayo ee aan rabo inaan iyaga soo hadalqaado waxaan code-ahaan u isticmaali jiray kalmadda  Daacish-teenna (Mar wuu qosli jiray oo ku raaxeeysan jiray eray bixintaas marna dareen diidmo dhisi ah ayaan ka dareemi jiray inta uu ku raaxeeysto ayaase badneeyd.

Xilli dheer oo aan xabsi ku jiray dowladda ku jiray ayay beyco siyaasadeed oo rasmi ah la galeen MD Farmaajo, bartamihii 2015 markii aan xabsiga ka soo baxay, isla habeenkii ayaan xogtaas helay aad ayay ii farxad galisay waayo waxaan naawilayay ineey nagu soo kordhin karaan saameeyn iyo dardar xoog leh oo siyaasadeed karti qibrad doorasho, iyo daacadnimo loyalty iyo shaxaad dowlad carbeed oo ay markaas ka hor ku soo dhiseen Madaxweyne Xasan Shiikh sanbadkii 2012 Sida xaqiiqada ah intii aan filayay oo dhan billowgii hore waa sameeyeen, marka laga reebo tii dowladda carbeed oo ay diidmo kala soo kulmeen.

Musiibo waxay dhacday markii aan ku guuleeysannay kursigii dalka ugu sarreeyay ee Madaxweynaha.

Aniga, taariikh gaar ah oo aan dhammaan saaxiibadeeyda kaga duwanaa ayay guushii habeenkaas ii aheyd, waayo muddo sideed sano ku dhow ayaa la igu daacayadeeynayay inaan shacabka tabaaleeysan soo abaabulo si aan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada wax dooranaya ugu handado, taasna waxaa loo arkayay fikir raqiis ah, tabar darro, riyo, iyo wado aan ceelka guusha marnaba tagi doonin, warkaas xun labo kalmo ayaan uga jawaabi jiray oo kala ahaa Idinkuna markiinna soo saarta hadeey idinka yeelayaan iyo tan labaad oo ah shacabka London, Toronto, MN iyo caalamka oo idil nooga sacbinaya ma lacag baan siinnay iyagana?.

Fikirka dadkii igu durayay abaabulka shacabka aniga hiigsigeeygu aad ayuu uga qotadheeraa oo waxa kali ah oo ii muuqday waxay aheyd inaan abaabulidda shacabka, ciidanka shaqaalaha dowladda dhallinyarada, qurbajoogta iyo saxaafadda aan ku sameeynayay ay saameeyn xoog leh ku yeelan doonto quluubta xildhibaannada labada aqal oo markaas ubadnaa xildhibaanno cusub oo shacabka ruuxooda ka dhex yimid.

Kuwii horay ugu jiray Baarlamaanka, iyagana waxaan xoogga saarayay in ay habeenkii guryahooda ugu tagaan xaasaskooda iyo caruurtooda oo ruuxdoodi Farmaajeeysantahay ilaa heer odaga ama marwada xildhibaanka ahi ay isdhiibaan.

Labadii aan tiigsanayay labaduba waa hirgaleen – oo nin xisbi madax ka ahaa, hadana golaha wasiirada ka tirsan ayaa habeen u yimid Madaxweyne Farmaajo oo musharax ah, kuna yiri  ninyahow koox ahaan iyo shaqsi ahaanba kuma taageersani, laakiin qoorta ayaan ka xiranahay caawa oo xaaskeyga iyo gabadheyda curadda ah ayaa ila fadhiistay oo igu yiri, haddii aan kursiga iyo talada kula leenahay Aabo, waxaan kaa rabnaa inaad codkaaga annaga na siiso oo markii aad nasiiso kadib aad Farmaajo ugu shubto adiga oo innaga wakiil ah naga ah intaas markii ay dheheenna caruurtii kale oodhan ee guriga joogtay ayaa iyaguna sacab ku taageeray, marka gacan ku heyntii gurigayga ayaad igala wareegtay waanan kuu codeeynayaa. tii labaad iyaduna waa dhacday oo waa tii uu kacdoonkii shacabka iyo ciidanku saameeynta ku yeelatay labadii aqal oo ugu danbeyn fiidkii February 8,2017 Farmaajo Madaxweyne loo doortay.

Laga soo billaabo maalinkaas ilaa galabta oo aan qoraalkan daabacayo waxaa Madaxweyne Farmaajo si toos ah laakiin qaab ahaan asturan oo kala madaxbanaan u hoostagayay labada koox oo kala ah.

Aasaasayaashii Jamaahiirtii Farmaajiisamka iyo saaxiibadii gadaal (2015) nooga soo biiray ee runtii kaalinta ragganimo leh oo shariif ah ka soo qaatay guushii la gaaray la’aantoodna xaalku cakirnaan lahaa.

Intii aan talada dalka joognay labada kooxood marnaba iskuma dhicin, waxaana ka dhaxeysay in talada dalka la wada difaacdo, hal cadowna la yeesho innaguna aanan hoos iskugu soo laaban waase jirtay in hal ilna aan ku seexan jirnay isha kalana ay qolo-kasta tan kale iskaga ilaalin jirtay waayo qaabka maamulka aad ayaa loogu kala fikir duwanaa hadda oo taladii dalka lagu soo jabayna dib-ulaba-kacleeynta isla sidiu waan ku kala fikir duwannahay innaga iyo saaxiibadeen aan u naqaan KHAWAARIJTA SIYAASADDA. si aad tan u fahamto xasuuso maxkamadihii islaamiga oo ay ku wada jireen Indhacade iyo Godane balse hoggaanka Shiikh Shariif ku mideeysnaa.

Waa jireen shaqsiyaad aan labada kooxba ka tirsaneyn, balse kuwaas waxaa la soo laqay fagtii hore, mar ayaa jirtay in dhankeenna ay naga dileen nin hadda safiir ah, habeenkii guushana codka u tirinayay Madaxweyne Farmaajo, innaguna aargudasho ahaan waxaan dhankooda ka dilnay nin ay Duqa magaalada ka dhigteen April 2017.

Waxaan si Taxane AH oo saddexdii maalin-ba mar ah idiinla wadaagi doonaa 11 Kow iyo Toban xalqadood oo aan qeyb-ba mar idinla wadaagi doono, waxayna kala yihiin, qeybaha kala ah, Sidii amniga loogu fashiliyay oo 2 xalqo ka koobnaan doonta, qaabkii qabaa’ilka soomaaliyeed ee kiisu Mareexaan/Daarood ugu horreeyo looga horkeenay oo 2 Xalqo ah, sidii reer Muqdisho iyo hoggaamiyaheenna la iskugu dhuftay oo meel xun gaartay oo 3 xalqo ah, fashilkii doorashadii oo taariikhda markii koowaad laga codad batay Madaxweynihii fadhiyay oo 2 xalqo ah, hungoowgii Maamul goboleedyada oo ay ku jiraan kuwii aan soo dhisnay marka Laftagareen laga reebo oo hal xalqo ah, iyo beegsiga Indheergaradka oo iyana mid ah IWM.

Waloow aan wali isku dhufeys ku wada jirno, oo aan hal hoggaamiye u wada leenahay, hadana waa koox Takfiir siyaasadeed AH oo Soomaalida oo dhan u wada careeysan, iyagana loo wada careeysan yahay, balse nasiib darro uu hardanka labada caro ee isku dhiig-bixi doonta uu ku dhiman doono hoggaamiyihii ay ummada Soomaaliyeed oo idil soo maalgashaneeysay 14-kii Sano ee la soo dhaafay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News