SO | EN

SO | EN

Caro ka dhalatay Safarkii Xasan Sheekh uu ku tagay Adis Ababa

|

Adis Ababa (KAAB) Madaxwaynaha  Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Adis Ababa ee  ee Itoobiya kaga qayb galaya Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Dhinacyo ka kala duwan oo la socda siyaasada Itoobiya  iyo faragalinteeda ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu  ku deg degay inuu tago magaalada Adis Ababa taas oo ay ku sheegen  mid aan ku haboonayn Soomaaliya.

Baraha bulsada waxaa si aad ah u qabsaday safarka Xasan Sheekh oo uu ku tagay Adis Ababa taas oo lagu tilmaamay inay dalka u keeni karto dabacsanaan siyaasadeed.

Shirkaas oo aan ahayn mid muhiim ah ayaa la sheegayaa in Madaxwaynaha uu ku wanaagsanaa inuu ka baaqsado taas oo haddii ay dhici lahayn keeni kartay in la jabiyay Itoobiya.

Wali Itoobiya ma aysan ka laaban go’aankeeda ahaa la macaamilka Somaliland  taasna waxay keentay in lagu tilmaamo safarka Xasan Sheekh ee Itoobiya mid Itoobiya siinaysa fursad – kale.

Dowladda Soomaaliya wali waxay ku adkaysanaysaa go’aankeeda hase ahatee safarka Xasan ee Adis Ababa ayaa abuuray shaki badan  ,maadama uu ahaa shirkaas mid laga baaqsan karay.

Dawlada Somalia ayaa horey u qaaday tallaabooyin looga jawaabayo xadgudubkii Itoobiya ee gobonimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeenna.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News