Muqdiso (Kaab TV) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal dheer kasoo saaray shirkii Arbacadii ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in shirkan uu ka dhigan yahay in dowladda Soomaaliya ay nabad la tahay deriskeeda, islamarkaana ciidanka Soomaaliya uu hoggaanka u hayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Waxaase aragti, istiraatiijiyad iyo xeeladba u bahaan maaraynta is diiddada faragelintii shalay argagexisada keentay iyo taageerada looga rabo in lagu ciribtiro,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraalkiisa.
Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa iskula xiriiriyay dhacdooyin dhacay 2005 illaa 2007-dii, kuwaasi oo iftiiminaya halka ay taagan tahay Soomaaliya iyo meesha ay ka imaatay.
Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore ayaa waxa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa howl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada, ayada oo madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.
Sanadkii 2005, Nairobi oo xilligaa fadhi u ahayd Baarlamaankii KMG ahaa ee Dawladda Federaalka, ayey Xildhibaannadii kuraasta isla dhaceen kadib markii ay isku khilaafeen in Soomaaliya la geeyo ciidan ka socda dalalka safka hore, waxaa xilligaa si gaar ah loo diiddaanaa Itoobiya.
17 sano ka dib dawladihii safka hore ayaa maanta Muqdisho ku shiraya, iyagoo gurmad ciidan iyo guluf colaadeed looga rabo dagaalka argagexisada Al-Shabaab ka dhanka ah.
Xilliga kuraasta la isla dhacayo dooddu waxay ahayd derisku dano toos ah oo afsaar ah ayey dalkeena ka leeyihiin, sidaas darteed laguma kalsoonaan karo, halka doodda deriska ay ahayd in halista amni darrida Soomaaliya ay iyaga toos u taabanayso, waxayse ku dhamaatay in safka hore laga reebo oo Uganda, Burundi iyo Sierra Leone la keeno.