SO | EN

SO | EN

CC Shakuur oo si cajiib ah uga hadlay khilaafka Deni iyo Xamze

|

Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa si cajiib ah oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo R/wasaare Xamze Cabdi Barre oo maalmihii dambe hadallo xanaf leh isku marinayay warbaahinta iyo baraha bulshada Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan carab baabin labada nin ayaa sheegay in qofka mas’uulka ah looga baahanyahay inuu markasta u hadlo si aqlaaq leh isla-markaana uu noqdo ikhyaar dad badan oo qoraalkan ka falceliyay ayaas sheegay inuu ula jeedo madaxweyne Saciid Deni oo ay is hayaan dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay khalad tahay in lagu xad-gudbo qofka xilka hayo isla-markaana la aflagaadeeyo sida uu hadalka u dhigay Siyaasigu waa in uu sariigtaa hadalkiisa sarbeebaa haddii uu dhaliil jeedinayo ama uu ka falcelinayo mid loo jeediyey dhaliishu waa in ay ficilka iyo kartida hawl gudasho ku ekaataa oo aysan beegsan shakhiga cirdigiisa muuqiisa ama dadnimadiisa ayuu yiri CC Shakuur.

Waa waxa keenaya in siyaasigeenu garan waayo  in xilku uusan kugu soo kordhinaynin dadnimo balse uu duntaada dibadda soo dhigayo waa waxa keenaya in siyaasiga markii uu xil la’aanta yahay uu akhyaar yahay laakiin haddii uu xukun iyo xil arko uu dabeecad kale la soo baxayo halka kii shalay kursiga fadhiyey ee laga harsan la’aa markii uu xilka ka soo dego xikmad socoto yahay.

Waa waxa keenaya in siyaaga Soomaaliyeed isagoo og in uu xilka muddo kooban haynayo uu haddana xukunku miyir la’aan ku ridayo damaca shakhsiga ahna kaga faa’iidaysto kicinta iyo kala irdhaynta shacab ay diin, isir, iyo dal mideeyaan iyo bulsho is mudan isku masiir ah meelna u kala kacaynin.

Soomaaliya way fuddudahay in aad sallaanka siyaasadda dusha sare ka fuusho degdegna kaga degto waa halkii uu Abwaan Hadraawi ka lahaa.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News