SO | EN

SO | EN

CC Shakuur Sheekh Shariif & Kheyre oo soo saaray war culus

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warsaxaafadeed ay soo saareen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, siyaasiyiintan mucaaradka ah ayaa si weyn uga horyimid qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan ku howlan tahay DF, iyaga oo mar kale ku celiyay go’aankooda diidmada ahaa.

Shariif, Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu beddalay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, isla markaana uu sameystay xeerar doorasho oo isaga u gaar ah.

Madaxdan ayaa madaxweynaha ku dhaleeceeyay in guddiga doorashada la magacaabay lagu saleeyay rabitaanka shaqsiga ah ee madaxweynaha.

Dhanka kale, madaxdan ayaa waxa ay qaadaceen gebi ahaan xeerarka doorashooyinka iyo guddiga la magacaabay ee uu ansixiyay baarlamaanka, iyaga oo go’aankooda la wadaagay beesha caalamka.

“Haddaba waxaan shacabka Soomaaliyeed, saamileyda kale ee siyaasaddda iyo saaxibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxaan la socodsiineynaa in aan qaadacnay guddiga, xeerarka doorashada iyo kan xisbiyada, waxaana uga digeynaa inay ku kadsoomaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sikastaba, arrintan ayaa kusoo beegemeysa, iyada haatan ay guddoon cusub doorteen xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan oo dhawaan ay meel-mariyeen labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News