Ceeldheer (Kaab TV ) Markii Ciidanka Dowladda Federaalka – Soomaaliya maanta ay la wareegtay Al- Shabaab degmada Ceeldheer ayaa ciidanka Dowladda waxa ay ka bilaabeen howlgal miina baaris ah.
Ka hor inta ciidanka Dowladda gudaha u galin waxaa lagu soo waramayaa in gudaha degmada ay isku fidiyeen ciidan horudhac ah oo ogaanaya xaalada gudaha degmada .
Qabashada Ceeldheer ayaa waxaa xaqiijiyey wasiirka gaashnaadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen ciidamada.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda degmada ay tahay mid degan oo si buuxda ay u maalayaan ciidanka Dowladda , dadkuna dib ay ugu soo laabtaan deegaanka.
Waa magaaladii saddexaad oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug oo ay ciidanka dowladda ka qabsadaan Al-Shabaab muddo laba maalin gudahood ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda meelo badan oo gobolada dalka ah.