CEELWAAQ (KAAB TV) – Dadka ku dhaqan magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa ka cabanaya ciidamo cusub oo la geeyay magaaladooda, iyadoo rasaasta sida micna darrida ah ay u ridayeen ay ku dhaawacmeen afar qof.
Maadaama magaalada aysan lahayn isbitaal ayaa dadkii ku dhaawacmay waxaa loo gudbiyay magaalo ka tirsan dalka Kenya oo hadda lagu daweynayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan cusub ay la soo baxeen qalalaase iyo amni darro, iyagoo ku wareegayay waddooyinka, isla markaana si bareer ah u rasaaseeya dadka deegaanka.
Maamulka ayaa sheegay inay raadinayaan sidii xal loogu heli lahaa arrintan. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo maanta Soomaalidu ay u dabbaaldegayso 64-guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen.