SO | EN

SO | EN

Celinta wufuudda Jubaland iyo Puntland oo hubanti la’aan ku keentay shirkii doorashooyinka Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Labo diyaaradood oo maanta Muqdisho keeni lahaa wafdi hourdhac u ah mas’uuliyiinta Puntland iyo Jubaland ayaa dib loo celiyay xilli ay hawada ku jireen, oo ay ahayd inay garoonka Muqdisho kasoo degaan.

War saxaafaeedyo ay soo saareen Puntland iyo Jubaland ayay ku cambaareeyeen tallaabada lagu celiyay wafdiga duulimaadyada ku soo jiray ee ku soo wajahnaa Muqdisho.

Puntland iyo Jubaland waxay ku tilmaameen dhacdada maanta “mid khatar galisay amniga mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay labada diyaaradood.”

Jubaland waxay sheegtay in labo duulimaad oo iyaguna ay saarnaayeen dad rayid ah oo ka yimid Kismaayo loo diiday inay ku degaan Muqdisho, dibna loogu celiyay Kismaayo.

Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dhacdada ayaa sheegay in wixii maanta dhacay ay yihiin “fal dembiyeed” la iskula xisaabtami doono waqtigeeda.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa ku eedeeyay madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubaland inay hub badan iyo ciidan xad dhaaf ah keeni rabeen garoonka Muqdisho, walow taasi ay beeniyeen dowlad gobolleedyada oo war saxaafadeed soo saaray, sheegayna in ilaalada madaxda labada dowlad goboleed iyo hawlwadeennada madaxtooyada Puntland iyo Jubaland ay saarnaayeen duulimaadyada hawada lagu celiyay.

Waxaa dhacdada walaac ka muujiyay xubnaha beesha caalamka, gaar ahaan Safiirka Midowga Yurub iyo Xafiiska Qaramada Midoobay oo ku baaqay in dhinacyada Soomaalida ay deg deg u xalliyaan khilaafka ka taagan imaanshaha wufuudda Jubaland iyo Puntland, lana abuuro jawi uu ku qabsoomi karo shirka wada tashiga doorashooyinka.

Maanta oo ah 1da Febraayo waxay ahayd maalinkii loo ballansanaa shirka geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee 2026, waxaana qorsuhu ahaa in Muqdisho la isugu yimaado.

Guddiyo farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ka shaqeynaayay diyaarinta shirka iyo ajendihiisa.

Dhacdada maanta ayaa loo arkaa inay tahay carqalad cusub oo ka hor timid shirka, iyadoo ay jirto hubanti la’aan ku aaddan suuragalnimada in la helo aaminaad dambe oo ay qeybaha siyaasadda ee is diidan isugu yimaadaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News