SO | EN

SO | EN

Channel 13: “Netanyahu waxa uu dib u dhigayaa Kiiska Musuqa ah ee loo haysto”.

|

Israaiil (KAAB TV )   Channelka 13 ee Israaiil laga leeyahay ayaa daabacay Warbixin uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu uu dib isaga dhigayo Kiis dacwadeedka la xiriira Musuqa loo haysto oo soo billowday sanadkii 2019kii.

Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya eedeymo la xiriira Musuq-maasuq iyo in xad-gudub Laaluush uu sameeyay balse qareenkiisa ayaa Maxkamadda ku wargeliyay in uu ku jiro dagaal sidaas awgeed dib loo dhigo.

Qareenka ayaa warqad u qoray Maxkamadda waxaana uu ku caddeeyay in aanay xiligaan Ra’iisul Wasaaraha Israaiil u diyaarsanayn iska difaacidda eedaha kiiska dacwadda ah ku furan sidaas darteed uu codsaday in dib looga dhigo.

Warbaahinta ku hadasha Afka Cibriga ee Yuhuudda ayaa billaabay baahinta warbixinno kala duwan oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu maadaama ay ku socdaan dibadbaxyo ka dhan ah go’aanka uu dhegaha uga furaystay wadahadalka Maxaabiista la isku dhaafsanayo.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Israaiil ayaa warbaahinta la wadaagaya doodo la xiriira in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Xamaas oo Askar iyo saraakiil badan looga dilay kuna guuldaraysatay in ay soo furato Maxaabiista laga haysto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News